U bood dhigaalka

Dagaal Ka Socda Deegaanka Xeraalle Ee Galgaduud

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya deegaanka Xeraalle ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya maleeshiyo beeleed deegaankaasi kasoo wada jeeda.

Xalay saq dhexe (02:00 AM) ayaa la sheegay in dagaalkan uu ka bilowday duleedka deegaanka Xeraalle, iyadoo saakayna la sheegay in dagaalka uu gudaha deegaanka kusoo fiday.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey Afar qof, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay, waxaana Labada dhinac ay kala helayaan gurmad xooggan.

Dad ku sugan deegaanka Xeraalle ayaa ku eedeeyey ciidanka Ahlu-sunna in weerar kusoo qaadeen maleeshiyaad deegaanka ah oo halkaasi ku sugnaa.

Xaaladda waa mid kacsan, waxaana weli socda dagaalka, iyadoo aanay jirin cid kala dhexgashay Labada dhinac.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News