U bood dhigaalka

Dagaal Ka Socda Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab ayaa haatan waxa uu ka soconayaa deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.

Wararka ay Goobjoog News heleyso ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaannada Hees iyo Madhooy oo hoostaga degmada Matabaan ee bariga gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa bilwoday kadib markii ay Al-shabaab jidka u galeen ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo ka baxay magaalada B/weyne kuna sii jeday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Lama oga weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, iyadoo weli rasaas xooggan la maqlayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News