U bood dhigaalka

Dagaal Ka Socda Gobolka Shabellaha Dhexe

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa ka socda deegaanka Basra ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in weerarka dagaalkan ay qaadeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, iyadoo weli aan la ogeyn khasaarah halkaasi ka dhashay.

Dhanka kale wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalka ka hor ay diyaarado dagaal duqeyn ka geysteen deegaankaasi, waxaana la maqlayaa rasaas xooggan oo dhinacyadan isku adeegsanayaan.

Deegaanka Basra oo ku dhow degmada Balcad ayaa waxaa maamuli jiray dagaalyahannada Xarakada Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News