U bood dhigaalka

Dagaal Ka Socda Koonfurta Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Al-shabaab iyo sidoo kale dadka deegaanka.

Dagaalkan ayaa goor dhow dib uga billowday deegaanka Dumaaye oo ku dhow degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Lama oga khasaaraha halkaasi ka dhashay, waxaana wararka ay sheegayaan in weerarka dagaalkan ay leeyihiin kooxda Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii Al-shabaab ay dadkaasi ku amreen iney bixiyaan wax ay ugu yeereen Sako, balse dadkii ay diideen.

Shalay sidan oo kale waxaa deegaankan uga dhacay dagaal u dhaxeeyay Labadan dhinac, iyadoo weli xaaladda tahay mid kacsan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News