U bood dhigaalka

Dagaal Ka Socda Sh/dhexe

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya maleeshiyaad la sheegay in ay qaab beeleed u abaabulan yihiin ayaa ka socda deegaanno hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararku waxay sheegayaan in Labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus, iyadoo uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha inta uu la egyahay, ayaa wararku waxay sheegayaan in Maleeshiyadan isku hayaan arrimo dhul ku saabsan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Maleeshiyaad gurmad ah ay u kala tageen Labadan dhinac, dagaalkana weli uu yahay mid xooggan.

Ma jirto dedaallo socda oo ku aaddan in lagu kala dhexgalo maleeshiyadan ku dagaallameysa deegaannada ku dhow degmada Cadalle ee Sh/dhexe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News