U bood dhigaalka

Dagaal Ka Socda Xarardheere, Mudug

Sheeko:Amniga

Warar goor dhow aan ka helnay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya Al-shabaab iyo dadka deegaanka.

Dagaalkan ayaa bilowday sida la sheegay kadib markii Al-shabaab ay halkaasi weerar ku qaadeen.

Sidey sheegeen dadka ku sugan Xarardheere, waxay Al-shabaab dadkaasi ay weydiisteen dhallinyaro ka barbar dagaallanta hase ahaatee markii loo diiday ay dagaalk ku qaadeen.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, hase ahaatee rasaas xooggan ayaa la maqlayaa oo gudaha deegaanka Xarardheere.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News