U bood dhigaalka

Dagaal Khasaare Dhaliyay Oo Ka Dhacay Waajid

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in uu dagaal ka dhacay meel duleedka degmadaasi ah.

Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Alshabaab ayaa yimid markii ciidamada dowladdu ay weerarka ku qaadeen fariisin Alshabaab kaga sugnaayeen Waajid duleedkeeda.

Dagaalkani waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac waxaana la soo sheegayaa in labada dhinac uu kala gaaray khasaare nafeed.

Guddoomiyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool Maxamed Aadan Yariisow ayaa u sheegay Goobjoog News in hal askari uu kaga dhintay dagaalka halka mid kalena uu kaga dhaawacmay, wuxuuna intaas ku daray in Alshabaab ay gaarsiiyeen khasaare intaas ka badan.

Xaaladda ayaa maanta deggan waxaana la soo sheegayaa in dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka socdaan halkii lagu dagaallamay oo labada dhinac ay kala wadaan.

Degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho uga beegan dhanka waqooyi galbeed qiyaas dhan 302KM.

Goobjoog News