U bood dhigaalka

Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Agagaarka Ceerigaabo

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanyo magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag ayaa sheegaya in uu dagaal ku dhex maray labo maleeshiyo beelood deegaan hoos yimaada magaalada Ceerigaabo, waxaana ka dhashay Khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Deegaanka dirirtu ay ka dhacday ayaa lagu magacaabaa Waqadariya ee waqooyiga magaalada, waxaana inta la xaqiijiyey ku geeriyootay sedex ruux halka laba kalana uu  soo gaaray dhaawacyo kuwaas ka kala tirsanaa maleeshiyaadka maanta ku dagaalantay gobalka Sanaag.

Sidoo kale laba dhinac ayaa goobta wali isku hor fadhiyo waxaana mararka qaar deegaanka Waqadariya laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo laba dhinac ay isku ridayaan, waxaana dadka deegaanka mar waliba ay ka  cabsi ka qabaan inuu dagaal dhex maro labada dhinac.

Dhanka kale waxaa warar ka la duwan ay ka soo baxayaan sababta dagaalka dhalisay wararka qaar ayaana sheegaya in labada dhinac ee dagaalantay ay ku loolamayaan gacan ku heynta deegaanka Waqadariya oo horay loo sheegay in uu yahay deegaan laga heli karo Kheyraad kala  duwan sida Macdanta iyo Dahabka.

Ugu danbeyn waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay labada maamul ee Somaliland iyo Puntland oo ayagu mid waliba sheegto in uu hoos yimaado gobalka Sanaag  ku aadan dagaalka maanta ka dhacay deegaanka hoos yimaada magaalada Ceerigaabo ee gobalka  Sanaag.

Goobjoog News