U bood dhigaalka

Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Jowhar

Sheeko:Amniga

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in halkaas uu dagaal ku dhex maray ciidama ka tirsan kuwa dowlad gobaleedka Hirshabeelle iyo ciidamada macwisleyda .

Dagaalka ayaa sida la sheegay yimid kadib markii ciidamada macwisleyda ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ku taalla magaalada .

Illaa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka , balse warar ay GoobJoog News ka heleyso deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan madaxtooyada dowlad gobaleedka Hirshabeelle .

Cali Axmed Goodaad (Cali Madoobe) oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee madaxtooyada dowlad goboleedka HirShabelle HirShabelle ayaa la sheegay in uu ku dhintay dagaalka, halka  Ciise Nuur oo ka mid ah shaqaalaha barotakoolka madaxtooyada HirShabelle uu dhaawac ka soo gaaray dagaalka .