U bood dhigaalka

Dagaal Qasaare Sababay Oo Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Ku Dhexmaray Deegaanka Tixsiile Ee Shabeelaha Hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal-hDagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa maanta ka dhacay deegaanka Tixsiile oo duleedka ka ah degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerarka dagaalkaan ay lahaayeen, waxaana ay duulaan ku qaadeen xarun ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku geeriyootay 7 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, waxaana dagaalka uu socday in ka badan Saacad.

Xaaladda guud ee deegaanka Tixsiile oo lagu dagaalamay waa mid degan, waxaana ciidamada dowladda ay wadaan howlgalo culus oo ay kusii raadjoogaan dadkii weerarka kusoo qaaday.

Dhinaca kale deegaanka Warmaxan ee gobalka Shabeelaha Hoose, waxaa maanta lagu arkay Meydadka 5 qof oo jirkooda rasaas ka muuqato.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog in weli dadkaan waxa ay yihiin aan la garan, islamarkaana ay u muuqdaan kuwo la wada toogtay.

 

 

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.