U bood dhigaalka

Dagaal Saakay Ka Dhacay Degmada Afgooye Ee Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa saakay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ay Goobjoog News heleyso waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar lama filaan ah kusoo qaadeen xaafadda Buulo Foolyo ee degmadaasi, halkaasi oo fariisin ku lahaayeen ciidanka dowladda.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo socday ku dhowaad saacad.

Shacabka ku dhaqan degmada Afgooye ayaa waxaa soo wajahay cabsi xooggan inta dagaalka uu socday.

Ma jirto wax war ah oo ay soo kala saareen dhinacyada ku dagaallamay degmadaasi.

Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale waxay weerar ugu qaadeen degmada Afgooye ee Shabellaha Hoose.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News