U bood dhigaalka

Dagaal Somaliland iyo Puntland Ku Dhex Maraya Sanaag

Sheeko:Baarlamaanka
Wararka ka imaanaya deegaanka Dhoob ee ka tirsan gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu  ka qarxay dagaal beeleed xoogan oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan Puntland  iyo Somaliland.

Dagaalka  oo weli socda ayaa la sheegay inuu yahay mid aad u xoogan oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan waxaana jira gurma u imaanaya labada dhinac.

llaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyadoo uu dagaalkana ku soo beegmay xilli ay Somaliland gobolka ku soo rogtay bandow.

labada dhinac ayaa isku haya maamulka gobadala Sool iyo Sanaag,   waxaana in badan ku soo laab laabtay dagaalo u dhaxeeyo labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland.

Wararka oo faahfaahsan kala soco, Goobjoog

Goobjoog News