U bood dhigaalka

Dagaal u Dhaxeeya Ahlu-sunna Iyo Sarkaal Horay Uga Goostay Dowladda Federaalka Oo Ka Socda Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusamareebe ee gobalka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca iyo ciidan uu wato sarkaal la sheegay in uu horay uga goostay dhanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya uu halkaasi ka socdo.

Dagaalkaan ayaa markii hore billowday habeenkii xalay ahaa, hase ahaatee xoogiisa saaka ayuu dib u billowday, iyadoo wararku ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Sarkaalkaan ciidanka wata ee la dagaallamaya Ahlu-sunna ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Liibaan Madaxweyne, waxaana dagaalka xooggiisa uu ka socdaa xaafadda Waxar Cadde ee degmada Dhuusamareeb.

Inta La xaqiijiyey Seddax qof ayaa dagaalkaasi ku geeriyootay iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay sida ay inoo xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah oo halkaasi ku sugan.

Wariyaheena ku sugan degmada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in ciidamada Liibaan Madaxweyne ay caawinayaan ciidamo la sheegay inay kuwo qaab qabiil u abaabulan iyo sidoo kale ciidamo dhanka Galmudug uga yimid.

Inta badan shacabkii ku dhaqnaa degmada Dhuusamareeb ayaa ka barakacay halkaasi kadib markii ay ka baqeen in waxyeello ay kasoo gaarto dagaalkaasi.

Xaaladda guud ee degmada Dhuusamareeb saaka waa ay kacsan tahay, waxaa xiran dhammaan xarumaha ganacsiga ee magaaladaasi, sidoo kalena ma jirto wax isku socod dadweyne ah maadaama dagaalka uu socdo.

Warar ay heshay Goobjoog news waxay sheegayaan in ciidamada uu wato sarkaalkii horay u sheegay in dowladda uu uga baxay ay la wareegeen badi degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News