U bood dhigaalka

Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Dowladda Iyo Al-shabaab Oo Ka Socda Deegaanka Buurweyn Ee Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa goor dhaw lagu soo waramayaa inuu ka billowday deegaanka Buurweyn ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada Al-shabaab ayaa la xaqiijiyay in weerar ay ku qaadeen deegaankaasi oo xalay ay la wareegeen ciidanka dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM.

Taliyaha ciidanka Milatariga ee degmada Buuloburde Gaashaanle Sare Cabdullaahi Barre Cilmi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay iska caabinayaan ciidankii Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday.

Waxa uu tilmaamay in dhankooda uu ka dhaawacmay Hal askari, waxaana uu intaasi ku daray in khasaare badan ay soo gaarsiiyeen ciidanka Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Al-shabaab dhankooda wax war ah kama aanay soo saarin dagaalladii dhacay, iyadoo weli la maqlayo rasaasta ay Labada dhinac isku adeegsanayaan.

Deegaanka Buurweyn ayaa degmada Buuloburde waxa uu qiyaastii 20 Km kaga beegan yahay dhanka Koonfureed, waxaana halkaasi xalay la wareegan ciidanka dowladda iyo AMISOM.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News