U bood dhigaalka

Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ka Socda Deegaanno Ka Mid Ah Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Aw-dheegle iyo deegaanka Bariirre ee gobalka Shabellaha hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka soconayo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Al-shabaab.

Sida wararka ay heshay Goobjoog News ay sheegayaan, ciidamada Al-shabaab ay xilli saqdhexe oo xalay ah dagaal kusoo qaadeen halkaasi, iyadoo weli dagaalka uu yahay mid socda.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay, iyadoo Labada dhinac ay is weydaarsanayaan rasaas culus.

Gudoomiyaha deegaanka Bariire Maxamed Cali oo aynu xiriir la sameenay ayaa inoo sheegay in dagaalka uu yahay mid xoogan, islaamarkaana ciidamada dowladda ay iska difaacayaan Al-shabaab.

Dhawaan ayeey ahayd markii Al-shabaab ay la wareegeen deegaanka Bariire, inkastoo markii dambe dagaal looga saaray.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah

Goobjoog News