U bood dhigaalka

Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Jubbaland Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ka Socda Duleedka Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, ayaa waxay sheegayaan deegaan duleedka ka ah magaaladaasi ka soconayo dagaal u dhaxeeya ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab.

Ciidamo ka tirsan Jubbaland, lana sheegay iney ahaayeen sahan ayaa waxaa weerar ku qaaday dagaalyahannada Al-shabaab, xilli ay marayeen deegaanka Wirkooy.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoo weli la maqlayo rasaasta ay Labada dhinac isku adeegsanayaan.

Saraakiisha ammaanka maamulka Jubbaland weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkan socda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News