U bood dhigaalka

Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Puntland Iyo Al-shabaab Oo Dib Uga Billowday Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in duleedka degmadaasi uu dib uga billowday dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Al-shabaab.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen meel la sheegay inay isku uruursanayeen ciidamada Al-shabaab.

Dagaalka ayaa ah mid xooggan sida ay inoo sheegayaan dad ku sugan deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, hase ahaatee lama oga khasaaraha inta uu la egyahay.

Dagaalka halka maanta uu ka socdo waa meeshii ugu horreysay oo ciidanka Al-shabaab ay ka degeen xilli ay doonyo ku socdeen.

Isniintii aynu kasoo gudubnay ee Todobaadkii hore ayeey Al-shabaab cagta dhigeen deegaannada xeebaha ee Puntland, waxaana wixii markaasi ka dambeeyay billowday dagaal u dhaxeeya iyaga iyo ciidanka Puntland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News