U bood dhigaalka

Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Socda Sool

Sheeko:Dalka

Dagaal xooggan, una dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa goor dhow ka bilowday deegaan lagu magacaabo God Qaboobe oo ku dhow deegaanka Takaraq ee Sool, halkaasi oo ay saakay la wareegeen ciidamada Somaliland.

Dad ku dhow halka lagu dagaallamo ayaa sheegay in Labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus, waxaana la sheegay in Puntland ay gurmad xooggan u dirtay deegaanka hadda dagaalka uu ka socdo.

Dagaalkan ayaa daba socda weerarkii ay saakay ciidamada Somaliland ku qabsadeen deegaanka Takaraq, welina lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah

Goobjoog News