U bood dhigaalka

Dagaal Goor Dhow Ka Billowday Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

War degdeg ah oo hadda naga soo gaarayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in galbeedka magaaladaasi uu ka qarxay dagaal xooggan.

Dagaalka oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa ka soconaya duleedka galbeed ee Gaalkacyo halkaasoo maalmahani ay isku horfadhiyeen labada dhinac.

Wariyeyaasha  Goobjoog News ee Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in magaalada si weyn looga maqlayo rasaas xooggan oo Galmudug iyo Puntland ay isku adeegsanayaan.

Waxaa maalin dhoweyd lagu dhawaaqay inay fashilmeen wada hadallo la sheegay inay Gaalkacyo uga socdeen guddiyo wasiirro ah oo ka kala socda labada maamul.

Faahfaahin dib kala soco

Goobjoog News