U bood dhigaalka

Dagaal u Dhaxeeya Maleeshiyaad Kasoo Kala Jeeda Galmudug Iyo Puntland Oo Ka Socda Mudug

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka soconayo dagaal xooggan, kaasi oo u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka ayaa ka socda deegaanka Afbarwaaqo, waxaana la sheegayaa in Labada dhinac isku adeegsanayaan rasaas culus.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay ku dhowaad 5 qof, iyadoo dhaawucuna gaarayo 10 kale, sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halka lagu dagaallamayo.

Dagaalkan ayaa salka ku haya dhul daaqsin ah oo halkaasi ku yaalla oo Labada dhinac isku qabsadeen, welina dagaalka waa uu socdaa.

Dhaawacyo badan ayaa lasoo gaarsiiyey Isbitaallo ku yaalla magaalada Gaalkacyo, mana jirto weli cid isku dayday iney kala dhexgasho maleeshiyaadkan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News