U bood dhigaalka

Dagaal u Dhaxeeya Maleeshiyaad Kasoo Kala Jeeda Puntland Iyo Galmudug Oo Ka Socda Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxa uu sheegayaa in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkaan ayaa ka socda deegaanka Qob-gaashaan oo ku dhow deegaanka Godod, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey Labo qof oo dhinacyadii dagaallamayey ah ayaa halkaasi ku dhintey, iyadoo 7 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halka lagu dagaallamayo.

Dhinacyadan is haya ayaa dagaalkooda wuxuu ku bilowday sida la sheegay muran xagga dhul waraabka ah oo dhowaan roob uu ka da’ay, iyadoo weli aanay muuqan xal dhinacyadan lagu kala dhexgalayo.

Isbitaallada ku yaalla magaalada Gaalkacyo waxaa lasoo gaarsiiyey qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News