U bood dhigaalka

Dagaal u Dhaxeeya Puntland Iyo Galmudug Oo Ka Socda Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu saakay oo Jimco ah ka billowday dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa ka socda xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo, waxaana la sheegay in la isku qabtay saldhig ciidan oo Puntland dooneysay iney ka dhisato xaafaddaasi.

Dad ku sugan halka dagaalka uu ka dhacay ayaa Goobjoog News u sheegay in weerarka dagaalkan ay lahaayeen ciidamada Puntland oo shalay laga joojiyey dhismaha saldhigga.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhaawacantay 4 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah, iyadoo khasaaraha uu intaasi ka badan karo.

Horay Galmudug ayaa u dooneysay in xaafadda Garsoor ay ka dhisato saldhig ciidan, hase yeeshee waxaa diidey Puntland sidan oo kalena waa loogu dagaallamay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News