U bood dhigaalka

Dagaal u Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Socda Tukaraq

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo saakay billowday, hase ahaatee waxay dadka ku dhow halka lagu dagaallamayo sheegayaan in rasaas xooggan ay Labada dhinac isku adeegsanayaan.

Goobjoog News, ayaa xiriir la sameysay saraakiisha Labada dhinac si ay u ogaato cidda leh mas’uuliyadda weerarka dagaalkan socda, hase ahaatee dhan walbo wuxuu sheegayaa in lasoo weeraray.

Labadii maalin ee ugu dambeysay ayaa xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland waxaa laga soo sheegayey nawaaxiga deegaanka Tukarraq, iyadoo ay socodeen waan waan Labada dhinac laga dhex waday.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Sooomaaliya, Michael Keating ayaa magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa kula kulmay hogaamiyeyaasha Somaliland iyo Puntland isaga oo kala hadlay in aanu dagaal dambe dhicin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News