U bood dhigaalka

Dagaal u Dhaxeeyay Al-shabaab Iyo Dad Shacab Ah Oo Ka Dhacay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Al-shabaab iyo dad shacab ah ayaa lagu soo waramayaa in gabal dhacii shalay uu ka dhacay deegaanka Gamboole ee gobolka Shabellaha dhexe, halkaasi oo khasaare uu ka dashay.

Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay in dadka ku dhaqan deegaankaasi ay ku amreen in ay bixiyaan waxa ay ugu yeeraan Zakawaatka, hase ahaatee dadkii shacabka ahaa ayaa taasi ka biyo diiday.

Waxaa halkaasi ka biloowday dagaal saacado socday, iyadoo la xaqiijiyey in dagaalkaasi ay ku dhinteen 4 qof oo ka mid ah shacabkii la dagaallamay Al-shabaab.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa sheegay in Al-shabaab ay soo weydsiiteen inay Zako ka bixiyaan xoolahooda balse iyaguna ay ka biyo diideen sidaana la’isku dagaallay.

Ugu dambeyn Al-shabaab ayaa la wareegay deegaanka Gamboole oo saaka iyagu ay ku sugan yihiin xaaladuna waa mid deggan.

Deegaanka Gamboole ayaa qiyaastii 25-km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News