U bood dhigaalka

Dagaal U Dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Iyo Al-shabaab Oo Ka Dhacay Baay

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay.

Dagaalkaan ayaa billowday sida wararku ay sheegayaan kadib weerar ay ciidamada Al-shabaab si lama filaan ah ugu qaadeen xero ciidankan ku lahaayeen halkaasi.

Waxaa dagaalkan ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta laakiinse lama oga khasaaraha guud inta uu la egyahay.

Saraakiil u hadashay ciidanka dowladda waxay sheegeen inay dileen in ka badan 10 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa dhawaan weerar waxay ku qaadeen xerada Laanta-buuro ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo ay deganaayeen ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Goobjoog News