U bood dhigaalka

Dagaal U Dhaxeeyo Beelo Walaalo Ah Oo Ka Dhacay Xanan-buure

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Xananbuurre ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu saaka markale ku dhexmaray deegaanka Laba beel oo walaal ah oo deegaanka Wada daga.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu daba jooga dagaal shalay gelinkii labada beelood deegaanka ku dhex maray.

Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Xananbuurre saaka ka socda.

Dagaalka shalay ka dhacay deegaanka ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen illaa iyo 8 qof oo ka kala tirsan labada beel ee dagaalka u dhaxeeyay.

Ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa shalay ku baxay dagaalka illa iyo haddana ma jirto xal laga gaaray dagaalka labada beelood ee wada daga deegaanka.

Goobjoog News