U bood dhigaalka

Dagaal Xooggan oo Ka Socda Bariga Magaalada Laascaanood

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka SSC ayaa saakay dib uga qarxay bariga magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana wararku ay sheegayaan in dagaalka uu ka socdo dhow meelood oo bariga magaalada ah, waxaana la maqlayaa madaafiic ku dhaceysa qeybo magaalada ah.

Dagaalka saakay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo saacadihii ugu dambeysay labada dhinac ay gurmadyo soo kale gaarayeen, iyadoo mid waliba uu guul ka sheegayay dagaalladii dhacay labadii maalin ee lasoo dhaafay, wali si dhab ah loo ma oga khasaaraha guud ee dagaalka, maadaama uu wali uu ka soconayo qeybo ku yaalla bariga.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa mid waliba waxaa uu mid kale ku eedeynayaa in dagaalka uu isagu kusoo qaaday, waxaana dagaalkaan uu kusoo aadayaa xilli maalin ka hor madaxweynaha Somaliland uu ku dhawaaqay in diyaar u yahay in xabadda la joojiyo oo dagaalka wadahadal lagu badalo, isaga oo sheegay in lasoo weeraray dhankooda.

Dagaalka ka socda Laascaanood oo laba bil jirsaday ayaa waxaa uu sababay khasaare baaxad leh oo soo gaaray dadka shacabka ee ku dhaqan magaalada, kuwaas oo intooda badan isaga baxay, kadib markii ciidanka Milatariga Somaliland ay madaafiic aan loo aabo yeelin ay ku garaaceen, geerida  dadka rayidka ah  ayaa ka badan 250 ruux.

Qaramada Midoobey ayaa sheegay dad badan ay ku barakaceen dagaalka Laascaanood, waxaana qiyaastii ugu dambeysay lagu sheegay in ka badan 200’000 ruux ay ka baxeen magaalada, kuwaas oo deegaansanaya goobo ku yaalla Puntland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyadoo xilligaan lagu jiro Roobka Gu’ga oo siweyn u Da’aya.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka ayaa galay bishii labaad mana muuqato ilaa iyo hadda waanwaan laga dhexe wado dhinacyada ishaya, waxaana fashilmay wadahadal ay soo qabanqaabisay dowladda Itoobiya, iyadoo xoogagga deegaanka ay shuruud ku xireen wadahadka Somaliland.

Goobjoog News