U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Kenya Oo Laba Qof Ku Dhimatay.

Sheeko:Dalka

Laba qof ayaa dhimatay tiro badanna waa ku dhaawacmeen markii uu isku-dhac ku dhexmaray ciidamada ammaanka ee dalka Kenya iyo dagaalyahanno la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Xarrakada Alshabaab deegaan Woqooyi-Bari uga beegan magaalaa Mandera sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda Kenya.

Guddoomiyaha gobolka Woqooyi Bari Maxamed Birik ayaa xaqiijiyey isku-dhaca isagoo intaas ku daray in qof ka tirsan Alshabaab iyo askari boliis ah ay ku dhinteen deegaanka Dawaduba ee magaalada Mandera.

Birik wuxuu sheegay hawlgalka amniga lagu sugayo in ujeedkiisu ahaa in lagu beegsado meelaha ay ku dhuumaaleystaan dableyda ee ku yaalla gudaha dalka Kenya isagoo intaas ku daray In dagaalyahanno badan oo ka tirsan Alshabaab inay la baxsadeen dhaawacyo kasoo gaaray rasaas hawlgalkuna wali socdo.

Sida laga soo xigtay saraakiisha, dableydu waxay soo gudbeen xudduudda iyagoo xeryo ka sameystay gudaha Kenya si ay uga fuliyaan dagaallo argagixiso goobo aan la caddeyn laakiin ciidamada ammaanku waxay heleen xogta meelaha ay joogaan dagaalyahannadaas.

Dagaalkan ayaa dhacay xilli dambe oo habeennimadii isniinta ah waxaana jirta cabsi laga qabo in qasaaruhu uu intaas ka sii bato. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in hawlgalka ciidanka Kenya uu wali ka socdo goobihii lagu dagaalay kuwaas oo aysan weerarro ka dhicin tan iyo billawgii bisha Ramadan maaddaama ciidamo amniga suga halkaas la geeyey.

Deegaanka Fino waxay 6km u jirtaa xudduudda Kenya la leedahay Soomaaliya. Fino ayey horey uga dhaceen tiro weerarro ah oo ay kusoo qaadday Xarrakada Alshabaab waxaana jirtay in burbur loo geystay shirkado isgaariineed.

Xinhua.