U bood dhigaalka

Dagaallada Gobolka Sool Oo Saameeyay Ganasigii Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Colaadda ka jirta deegaanno ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag ee Waqooyiga Soomaaliya ka sokow khasaaraha Naf iyo Maalba leh ee ay geysteen waxay saameyn toos ah ku yeesheen ganacsigi iyo hab-nololeedkii deeganada ay dagaalladu ka dhaceen iyo kuwo ku dhow.

C/risaaq Axmed Warsame waa mid ka mid ah Ganacsatada Xoolaha ee Gobolka Sanaag wuxuu goobjoog u sheegay in ganacsigii xoolaha ee gobolkaasi uu saameyn aan wanaagsaneyn ku yeeshay dagaalada gobolka ka jira ee u dhaxeeya labada maamul ee Somaliland iyo Puntland

“Muddooyinkii ugu dambeeyey dakhliga dadka iyo Ganacsiga deegaannadan wax xoogaa kor u kac ayay sameynayeen, laakiin wel-welka hadda ugu weyn waa saameynta ay dagaalladan ku yeesheen ganacsigii iyo noloshii halkan ka jirtay”  Ayuu C/risaaq u sheegay Goobjoog.

Tuulooyinka qaar dadkii degganaa oo colaadda awgeed uga cararay deegaannadooda waxay kaliftay in uu joogsado ganacsigii xoolaha ee halkaasi ka jiray, taasina waxay culeys dhaqaale ku keeneysaa qoysaska xoola dhaqatada ah oo suuq u weynaya xoolahooda.

Deegaamadda Yufle, Kal-Shiikh, Uur-weyn iyo kuwo kale oo dhaca jiidaha gobolka sanaag waa meelaha ugu caansan ee ay xoola dhaqatadu ku nool yihiin isla markaana ay dagaaladu hoos u dhigeen ganacsigii xoolaha.

Iibsiga xoolaha oo hoos u dhacay iyo qiimo dhac bilow ah oo ku yimid xoolihii laga ganacsanayay ee gobolka sanaag ayaa qeyb ka ah saameynt aan wanaagsaneyn ee ay dagaaladu ku yeesheen ganacsiga xoolaha ee gobolkaasi.

“Haddii aysan colaaddu dhaqsa u joogsan oo aan la helin xal kama dambeys ah, rajadu wey sii xumaaneysaa, sababtoo ah reer miyigii xoolaha ka keeni lahaa dhulalka miyiga ah waxay ka baqayaan in wadada ay dhibaato ku qabsato sidaas daraadeed xoolo tira yar ayaa suuqyada la keenayaa, kuwaasoo xittaa cid iibsata ay yar tahay” C/risaaq ayaa yiri.

Dadka ku nool gobolka sanaag waxay inta badan noloshoodu ku tiirsan tahay dhaqashada iyo ka ganacsiga xoolaha nool iyo falashada beeraha, sidaas daraadeed dagaallada oo ku soo noq-noqda deegaanadaasi waxay ka dhigan tahay nolosha halkaasi ka jirta oo ciriiri la geliyey.

W/Q: Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)

Goobjoog Business