U bood dhigaalka

Dagaallo Culus Oo Ka Socda Magaalada Xalab, Suuriya

Sheeko:Dalka

Waxaa sii socda weerarada dhanka cirka ah oo ay sida wada jirka ah ay u qaadayaan diyaaradaha Ruushka iyo kuwa Suuriya, iyagoo ku qaadaya magaalada Xalab ee ay ku suganyihiin kooxaha mucaaradka.

Dagaalladaas ayaa waxey galab sadeen burbur xooggan iyo dhimasho aad u fara badan, iyadoo dadka dhintay ay kor u dhaafayaan 100 ruux, dhaawacana uu intaas ka badan yahay.

Dadka ku dhintay dagaallada ka socda Suuriya, gaar ahaan magaalada Xalab ayaa waxay u badan yihiin dadka birmageedada.

Dagaalka ka socda magaalada Xalab wuxuu sababay dhammaan iney go’aan sahaydii ay dadku haysteen, waxaana hadda ka taagan Xalab biyo la’aan baahasan, waxaana in ka badan Hal Milyan iyo bar oo qof oo ku sugan magaaladaasi ay la daadaal dhacayaan biyo yari iyo xaalado kale oo nolosha ah.

Wadanka suuriya ayaa haatan waxaa ka socda dagaallo qaraar kuwaas  oo ay ku naf waayeeen Kumanaan Ruux.

Goobjoog News