U bood dhigaalka

Dagaallo Ka Dhacay Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Dagaallo ayaa xalay waxay ka dhaceen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose, waxaana ay u dhaxeeyeen ciidanka DFS, K/galbeed iyo Al-shabaab oo dhan ah.

Deegaanka Ceel-jaalle ee duleedka magaalada Marka, Al-shabaab ayaa weeraray saldhig ay halkaasi ku lahaayeen ciidanka K/galbeed, waxaana ka dhacay dagaal saacado socday.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, waxaana la sheegay in goobta ay weerarka ku qaadeen Al-shabaab lagu tababarayey ciidamo cusub oo ka mid noqonaya K/galbeed.

Saraakiisha K/galbeed kama aanay hadal dagaalkaasi, iyadoo xaaladuna ay tahay mid deggan, sidey xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dhanka kale, dagaal u dhaxeeyey ciidanka DFS iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Ceel-saliini oo ku dhow deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Al-shabaab weerareen fariisin halkaasi ku lahaayeen ciidanka dowladda, iyadoo la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 2 qof, dhaawucuna intaasi ka badan yahay.

Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale weeraro uga fuliyey deegaannada ay gobolka Shabellaha Hoose kaga sugan yihiin ciidanka dowladda federaalka, kuwa K/galbeed iyo AMISOM.

Goobjoog News