U bood dhigaalka

Dagaallo Ku Saleysan Muranka Dhul Beereed Oo Ka Taagan Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya  inay jiraan dagaallo xooggan oo u dhaxeeya labo beel oo wada dega.

Dagaallada ayaa la soo sheegaya inay salka ku hayaan dhul beereedyo ku yaalla degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Dadka degaanka ayaa u sheegay Goobjoog News inay muranka uu ka dhashay sohdimaha beero ay kala leeyihiin labada beel oo wada dega Buurhakaba.

Dagaalladani ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo kala gaaray labada dhinac ee dagaallamaysa waxaana arrintani ay saameysay nolosha dadka degaanka.

“Dowladda iyo Alshabaab meel aan loo dacwoonin ma jirto, dagaallada waxay socdaan dhowr maalin todobaad oo kale marka khilaafkani waa soo jiitayay muddo sanado ah waxa lagu dagaallamayana waa dhul beereed” ayuu yiri qof kamid ah dadka ku nool degmada Buurhakaba

Ma jirto cid kala dhex gashay labada beel ee ku dirirsan degmada Buurhakaba, waxaana qofkii degaanka ee aan la hadalnay uu inoo sheegay in dhowr jeer ay fashilmeen wada hadallo lagu doonayay in lagu xaliyo muranka iyo khilaafka labada beel oo uu ah mid soo jiifatayay.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadda ka taliya degmada Buurhakaba halkaas oo ay sidoo kale ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan ciidanka Itoobiya.

Goobjoog News