U bood dhigaalka

Dagaallo Siyaabo Kala Duwan Uga Dhacay Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degaanno ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inay ka jiraan xaalado dagaal oo wajiyo kala duwan leh.

Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan kuwa Nabad sugidda ee Galmudug iyo malleeshiyo hubeysan ayaa degaanka Godinlabe ku dhexmaray.

Dagaalkani oo ka dhashay muran soo kala dhexgaray ciidanka Galmudug iyo malleeshiyada hubeysan ayaa ka dhacay dhowr saacad degaankaasi Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in dagaalkani uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa daba socda dagaal maalin hore ka dhacay koontaroolka koonfureed ee degaankaasi Godinlabe.

Malleeshiyo hubeysan oo ka yimid dhanka magaalada Dhuusamareeb ayaa ku biirey dagaalka ka taagan degaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Dhanka kale, isla wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in degaanka Qalanqalle ay ka taagan tahay xiisad dagaal.

Xiisadda dagaal oo ka taagan degaanka Qalanqalle ayaa hoostaga degaanka Xananbuurre ee gobolkaasi Galgaduud.

Degaankani ayaa horey waxaa uga dhacay dilal ku saleysan aanooyin qabiil.

Maamullada Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa weli si faahfaahsan uga hadlin dagaallada ka jira degaannada kala duwan ee gobolka Galgaduud.

Goobjoog News