U bood dhigaalka

Dagaalyahannada Al-shabaab Oo La Wareegay Deegaanka Goofgaduud Ee Baay

Sheeko:Dalka

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa iney la wareegeen deegaanka Goofgaduud oo qiyaastii 30 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay faarujiyeen deegaankaasi, iyadoo aan la ogeyn sababta arrintaasi ka dambeysay.

Ciidamo badan oo  ka tirsan Al-shabaab, watana gaadiidka dagaalka ayaa gudaha magaaladaasi galay, waxaana ay fariisimo ka sameysteen dhowr meel sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka qaarkood oo aynu la hadalnay.

Wararka qaar waxay sheegayaan in Al-shabaab ay howlgallo ka wadaan xaafadaha qaar ee deegaankaasi, iyadoo wax faah faahin ah aan laga helin howlgalkaasi.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed, marar badan sidan oo kale ayeey uga baxeen deegaanka Goofgaduud, waxaana deegaankaasi la wareegay dagaalyahannada Al-shabaab walow iyaguna ay dib u faarujiyaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News