U bood dhigaalka

Dagaalyahannada Al-shabaab Oo Qabsaday Deegaanno Ku Dhow Degmada Balcad, Sh/dhexe

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay goor dhow la wareegeen deegaanno ku dhow degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News in Al-shabaab ay la wareegeen deegaannada kala ah Dhagaxow, Yaaqle iyo Kooreebe oo dhammaantood hoostaga degmada Balacd.

Ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay in ay isaga baxeen deegaannadaasi, kadibna ay halkaasi tageen Al-shabaab.

Markii ay Al-shabaab halkaasi tageen ayeey meel fagaare ah isugu yeereen dadkii deganaa deegaannada, iyaga oo halkaasi kula hadlay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News