U bood dhigaalka

Dagaalyahanno Al-shabaab Ah Oo Dagaal Ku Qabsaday Deegaanka Kalabeyr Ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay saakay aroortii weerar xooggan ku qaadeen deegaanka Kalabeyr oo ku dhow magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxay dagaalyahannadan si gaar ah u weerareen Koontarool la sheegay in ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday.

Dadka deegaanka qaar oo aan la hadalnay waxay sheegayaan in deegaanka Kalabeyr ay la wareegeen Al-shabaab, iyadoo dagaalkii dhacayna khasaare uu ka dhashay, walow aan la ogeyn inta uu la egyahay khasaarahan.

Maamulka gobolka Hiiraan oo aan xiriir la sameennay ayaan inoo suurtagelin si aan faah faahin uga helno dagaalladan.

Al-shabaab aya 10-kii cisho ee ugu dambeysay waxay weeraro kala duwan ka fuliyen deegaanno kamid ah gobolada dalka.

Warkan wixii kusoo kordha kala soco wararkena kale

Goobjoog News