U bood dhigaalka

Dahabo Cabdi Faarax “Waan Ka Niyad Jabnay Ballan Qaadkii Dowladda Federaalka Ee Qaxootiga Yemen”

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddiga qaxootiga Soomaaliyeed ee wadanka Yemen ayaa sheegtay in weli dowladdu aysan ka soo dhalaalin ballanqaadyadii ay u sameysay dadkaasi si dalkooda dib loogu soo celiyo.

Dahabo Cabdi Faarax oo u warantay Goobjoog News ayaa sheegtay in ay qarka u saaran yihiin in ay iska joojiyaan diiwaan-galinta dadka doonaya in ay Soomaaliya soo aadaan maadaama illaa iminka aysan jirin qoysas ay dowladdu soo daabushay.

“Dadkii anaga ayeey nala dagaalayaan, waxayna na leeyihiin been baad noo sheegteen waad na diiwaan geliseen, dowladii ayaad la hadasheen, illaa iyo haddana jawaab idin kama hayno” ayeey tiri Dahabo

Sidoo kale Waxa ay sheegtay in ay ka niyad jabeen ballanqaadyo madaxda dowladda Federaalka ah ay u sameeyeen dadkaasi, iyadoo tilmaantay in dowladihii kale ay dadkooda daadgureysteen.

Waxay sidoo kale sheegtay in weli ay diiwaan-galinayaan qoysas doonaya in ay Soomaaliya soo aadaan kuwaas oo qarash la’aan u soo bixi la.

Dad badan oo ku dhibban dalka Yemen waxa ay doonayaan in ay dib ugu soo laabtaan wadankooda, hase ahaatee waxa aysan haysan dadkaasi qarashaad ay kusoo baxaan.

Goobjoog News