U bood dhigaalka

Dahran: Iran Oo Dalkeeda Ku Celisay 17 Iraaniyiin Ah Oo Horay Loogu Xiray Soomaaliya

Sheeko:Dalka

17 bad-maaxayaal ah oo u dhashay dalka Iran oo la qabtay dhammaadkii 2017kii, lagu eedeeyay inay sharci-darro uga kaluumeysanayeen biyaha Soomaaliya ayaa la sii-daayey, iyaga oo maanta dalkooda ku laabtay.

Arrintan ayaa la sheegayaa inay timid kadib dadaallo ay sameeyeen wasaaradda arrimaha dibada iyo safaaradda Iran ee Kenya.

Kooxdan waxaa ay sharci-darro ku soo galeen biyaha Soomaaliya, waxaana maxkamad ay ku xukuntay min 2 sano, waxaa intaas dheer ganaax lacageed, laakin ugu dambeyntii waxaa loo gacan geliyay safaaradda Iran ee Nairobi.

Kooxdan ayaa la sheegayaa sidoo kale in diyaarad ka qaaday Nairobi waxaana la socday wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Xuseen Azar iyaga oo ka dagay  Imam Khomeini International Airport.

May 10, 2018: Kaluumeysatadan oo  ku xirnaa xabsiga Boosaaso  ayey maxkamada sare ee Puntland ay kasii daysay xabsigii ay ku xirnaayeen.

Maxkamada darajada Koowad ee Gobalka Bari ayaa horey ugu xukuntay Maxabiistan mudo 8 bilood waxaana ay Ku jireen Xabsiga dhexe ee Boosaaso , iyado howlgalkii lagu soo  qabanayay maxaabiistan uu  ku baxay naakhudihii doonta kaas oo isku dayay in uu Ka baxsado ciidamada Badda Puntland ee loosoo gaabiyo PMPF.

Goobjoog News