U bood dhigaalka

Dil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa maanta waxaa ay ku dileen nin ganacsade ahaa dagmada Dharkeynleey ee gobalka Banaadir.

Ninka la dilay ayaa ahaa ganacsade siweyn looga yaqaano dagmada, waxaana magaciisa lagu sheegay Maxamed Cumar Calasow.

Sidoo kale kooxii dilka u geystay ninka ganacsadaha ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa waxaa u suura gashay in ay goobta iskaga baxsadaan.

Dhanka kale ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa sameeyay baaritaano lagu baadi doonayo dadkii dilka geystay wallow aysan jirin cid loo soo qabtay oo laama ammaanku ay shaaciyeen.

Ciidamada ayaa Meydka Marxuuka u qaaday xarunta danbi barista ee CID, halkaas oo  la geeyo dadka lagu dilo magaalada si loo baaro loona diiwaan galiyo.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa ka dhaca dilal qorsheysan kuwaas oo lagu bartilmaameedsado shaqaalaha dowladda iyo waliba dad rayid ah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir