U bood dhigaalka

Dalabka Cuntooyinka Maqaayadaha Mugadisho Oo Noqday Hab Casri Ah

Sheeko:War

Maqaayadaha ku yaallo magaalada Mugadisho ayaa waxay sameynayaan horumarro ballaaran iyaga oo adeegsanaya qalab casri ah.

Maqaayadahaan ayaa waayihii dambe waxaa ku soo badanayay dalabaadka carsiga ah, iyaga oo ka guuray dalabaadkii barisamaadkii la isticmaali jiray .

Maqaayadaha ayaa inta badan bulshada waxay u yimaadaan inay ka cunteeyaan kuwo ayaa u soo aada sheekooyin iyo madadaallo.

Maqaayadaha ku shaqeeya habka casriga ah ee Tiknoloojiyadda ayaa waxaa loo isticmaalayaa qalab uu si dhow u maqli karo dalab qaadaha,isaga oo markaasi ku soo hoos dhigaya  shax tilmaameysa waxyaabaha laga helayo goobta.

Qaar ka mid ah macaamiisha joogtada u ah maqaayadaha ku shaqeeya Tiknoloojiyadda casriga ah  ayaa waxay Goobjoog News uga warameen dareenkooda ku aadan arrintaan.

“Maqaayadihii hore waxay ahaan jireen in uu kabal yeerigu uu wax badan sugo,waxaa dhici jirtay in dalabkaaga uu u dhaco si aadan ku faraxsaneyn, balse maanta waxaa dareemeysaa in Soomaaliya gaar ahaan Mugadisho ay la jaan qaaday aduunyada kale”.

“Waad dareemi kartaa Maqaayadihii hore marka laga fiiriyo meel walba farqi weyn ayaa u dhaxeeya xagga cuntooyinka,waqtiga maqaayadaha hadda kursigaaga ayaa soo fariisanee booq badan ma arkeysid”.

Horumarka ganacsiga magaalada Mugadisho ayaa u kordhay si fiican sanadihii u dambeeyay,dad dibadda ka soo laabtay ayaa keenay fikrado ganacsi oo horumarsan gaar ahaan maqaayadaha.

Goobjoog News