U bood dhigaalka

Dalal Sheegay Iney Maalgashanayaan Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Magaalada Brussels waxaa ku dhammaaday shir si gaar ah looga hadlayey arrimaha ganacsiga Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay wasaaradda ganacsiga DFS, ganacsato Soomaaliyeed, kuwo ajaaniib ah, dowladanaha daneeya maalgashiga Soomaaliya, iyo Bangiyo.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa u sheegay warbaahinta in shirkaasi guul kusoo dhammaaday.

Sidoo kale, wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in dalal dhowr ah ay ballanqaadeen in maalgashi ku sameystaan Soomaaliya.

“Waxaa dhammaaday shirkii ay ku jireen ganacsatada Soomalaiyeed iyo Bankiyada Adduunk, hay’adaha dhaqaalaha adduunka iyo dowladaha daneeya maalgashiga Soomaaliya oo ay hoggaaminaysay wasaaradda ganacsiga, guul wanaagsan baan ka gaarnay, dowladaha oo dhan waxay balanqaadeen iney Soomaaliya Maalgishanayaan, Bangiyadana sidoo kale” ayuu yiri wasiirka.

Shirka Brussels ee arrimaha Soomaaliya ayaa lasoo gabagabeeyey shalay, waxaana shirkaan dhinc socday shirar kale oo looga hadlayey arrimaha ganacsiga, Haweenka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Goobjoog News