U bood dhigaalka

Dalalka ku Bohoobay Paris Club oo 1.4 Bilyan Dollar Ka Cafiyey Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Shir qaatay ku dhawaad 10 sacaadood oo mareegta internet-ka ee loo yaqaano (Video-Conference) ku dhexmaray masuuliyiin uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxaam Ducaale Beyle iyo wakiilo ka socday dalalka ku bahoobay Paris Club ayaa looga wadahadlay muhiimadda ay xilligan Soomaaliya u leedahay in dalalka ku mideysan Paris Club ay Soomaaliya ka cafiyaan Deymiihii lagu lahaa.

Waddamada ku bahoobay Naadiga Paris Club ayaa ku bogaadiyey Soomaaliya in ay soo gaarto heerka go’aan qaadashada, iyadoo ka mid ah dalalka Saboolka ah ee lagu leeyahay deymaha farah badan ee samata bixintooda loo maro hannaanka loo losoo gaabiyo (HIPC).

War-saxafadeed ka soo baxay dalalka Paris Club ayaa lagu sheegay dadaalada ay sameeysay Soomaaliya ay ku hogaamisay in Soomaaliya ay ka cafiyaan lacag dhan 1.4 Bilyan oo doollarka Mareykanaka ah.

“Run ahaantii aadbaan ugu faraxnay go’aanka kasoo baxay wadamada ku bahoobay Paris Club oo dalkeena looga cafiyey lacag dhan 1.4 Bilyan oo dollar, oo ka mid aheyd deymaha lagu lahaa Soomaaliya, aniga oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waan uga mahadcelineynaa talaabadaas ay qaadeen Paris Clup, waxaana ka rajeeneyna in inta dhiman ay naga cafin doonaan” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.

Dalalka Jarmalka, Belgium, Denmark, Faransiiska, Talyaaniga, Japan, Netherlands, Norway, dalweynaha Ruushka, Spain, Ingriiska, Mareykanka iyo dalalka kale oo ka mid ah Naadiga Paris Club ayaa goob joog ka ahaa shirkaan, iyadoo ay ku wehliyeen wakiilo ka socday dowlado iyo hay’ado caalimi ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha oo ay ka mid tahay hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

Tallaabadan ay qaadeen dalalka ku mideeysan Paris Club ayaa dabasocota todobaad ka hor markii Hay’adda lacagta Aduunka ee IMF, Baanka aduunka iyo Banigiga Hormarinta Afrika ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya ka saamaxeen Malaayiin dollar oo lagu lahaa.

Goobjoog News