U bood dhigaalka

Dalalka Uganda iyo Ereteriya oo Laga Helay Kiisaskii ugu Horeeyay ee Xanuunka Coronavirus

Sheeko:Caalamka

Waxaa kiisaskii ugu horeeyay ee xanuunka Coronavirus laga xaqiijiyay waddamada kala ah Uganda iyo Ereteriya oo deris la ah Soomaaliya, waxaana kiisaskan cusub ay sii kordhinayaan kuwii horey looga helay Afrika gaar ahaan bariga Afrika.

Wasiirka caafimaadka Ereteriya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qof ka yimid dalka Norway islamarkaana ka soo degay garoonka diyaaradaha Asmara laga helay caabuqa Coronavirus ka dib markii tijaabo lagu samaeeyay.

Dhanka kale arrornimadii saakay wasiirka Caafimaadka Uganda Jane Ruth Aceng ayaa xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus ah oo laga helo dalkaasi, waxa uuna wasiirku intaas ku daray in shaqsigaasi uu ka yimid magaalada Dubai ee xarunta dalka Imaaraadka Carabta.

Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee loo soo gaabiyo WHO ilaa kiisas kor u dhaafaya 1,000 ayaaa laga helay qaaradda Afrika, iyada oo Jimcihii dalka Zimbabwe uu xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus.

Waddamo badan oo dhaca Afrika ayaa horey u xirtay xudduudahooda.

Goobjoog News