U bood dhigaalka

Dalka Haiti Oo Xaalad Banii’aadnimo Ka Jirto

Sheeko:Caalamka

Waxaa sii kordhaya waxyeelada ka dhalatay duufaan ku dhufaty wadanka Haiti ee ku yaalo qaaradda Mareykanka, iyadoo dhimashu ay ka badantahy 800 oo qof waa sida ay ku waramayaan mas’uuliyiin ka tirsan wadanka Haiti.

Waxaa sii kordhaya dhiibatada baaxadda weyn ee ay geesaty duufaanta,   kooxaha gurmadka ayaa waxay gaarayaan waqooyiga wadanka Haiti oo ay duufaantu ku dhufaty si ay u bad baadiyaan dadka ku nool  halkaas duufaantaan ayaa waxay baabi’say 30 kun oo guri.

Dadka ku dhintay wadank Haiti ayaa iyagu waxay u badanyihiin dadkii daganaa tuulooyinka maalooyinka u dhawaa goobaha xeebta kuwaas oo intooda badan ay ku soo dumeyn geedaha iyo guryaha iyo si doo kale waxaa ku soo fatahy wabiyaasha.

Dadka ay  duufamaha ay ku dhufteen ayaa waxaa heysta xaalado bani aadimo oo xun hey’adda Laas-kheyrta Cas ayaa waxay ku baaqeysaa in 6.9 milyan oo dolarka Mareykanka ya ubaahanyihiin  50 kun oo qof kuwaas oo heysto cunto la’aan iyo hoy la’aan .

Qaramada midoobay ayaa dirtay saddex diyaaradood oo nuuca qumaatiga ukaca ah ku waas oo sida gaalmooyin bani,aadanimo ku waas oo ay u dirtay goobaha sida aadka ah ay uga jirto dhibaatada.

Waxaa la rumeysanyah inay dhici karto qasaaraha uu intaasi ka sii bato aadaama hada ay dhimashdu ay mareysko 1000 qof .