U bood dhigaalka

Dalka Iiraan oo Maraakiib Mucaawino ah u Diray Dalka Yemen iyo Sacuudiga oo Ka Shakisan

Sheeko:Dalka

Ilaa 3 Markab oo kuwa dagaalka ah ayey iiraan u dirtay dalka Yemen, Maraakiibtan waxaa ay sidaan sida la sheegay Mucaawino loogu talo galay dadka ku dhibaateysan dalka Yemen.

Dalka Iiraan ayaa sheegtay in doomaheeda ay u socdaan gargaar isla markaana aan wax xumaan kale loo arin, lakin waxaa shaki ka muujiyay Sacuudiga iyo Xulafadiisa.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa Sacuudiga ka dalbaday in ay fududeeyaan baaritaanka Maraakiibta iyo Doomaha gargaarka u wada dadka ku dhibaateysan gudaha dalka Yemen.

Dalka Yemen waxaa ku go’doonsan dad badan oo Soomaali ah kuwaas oo isugu jira Qaxooti iyo Jaaliyad kale oo degaan ah,.

Dowladda soomaaliya ayaa balanqaaday in dadkaas gurmad u fidin doonto lakin weli arinkaas waxba lagama qaban.