U bood dhigaalka

Dalka Ingiriiska Oo Ciidamo U Soo Diraya Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Tobias Ellwood, oo ah wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Bariga dhexe iyo Afrika ayaa sheegay in dalkiisa ay ciidamo ka joogaan dalalka Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan isla markaana uu ciidamo cusub u soo dirayaan.

Wasiirka waxaa uu sheegayaa in ilaa 300 oo ciidan oo Ingiriis ah ay joogaan dalka koofurta Suudaan halka Soomaaliya ay joogaan ilaa 40 oo dowladda Soomaaliya ka gacan siiya waxa loogu yeero la dagaalanka argigixisada.

Dalka Koofurta Suudaan ayaa codsaday in dalkaasi u baahan yahay ilaa 4,000 oo nabad ilaalin ah si wax looga qabto nabad-galyada dalkaasi.

“Markii aan booqday Soomaaliya waxaan indhaheyga ku arkay in nabad-galyo la’aan in wax walbo ooh or-umar ah oo la gaaray la lumin karo, waxaa lagama maarmaan ah in ciidamada Soomaalida ay la shaqeeyaan AMISOM, iyaggoo si tartiib tartiib ah ula wareegaya mas’uuliyadda nabad galyada iyo xaisloonida dalka” Tobias Ellwood

Hadalkan waxaa la sheegayaa in uu la sheegay shir wasiirrada difaaca in ka badan 80 dal ay ku yeesheen magaalada London.

Goobjoog News