U bood dhigaalka

Dalka Iran Oo Cambaareeyay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Afhayeen u hadlay wasiirka arrimaha dibadda Iran Bahram Qassemi ayaa cambaareeyay dalka Soomaaliya kadib markii xabado lagu furay Dooni dalkaasi ah oo mareysay xeebaha Soomaaliya, waxaa dhintay Kabtanka halka qaar kale dhaawacmeen.

“Iran arrintaas waa ay dhaliishay, waxaa ay sidoo kale u gudbisay meelihii loogu talagalay”. ayuu intaasi ku daray. Todobaadkii hore ayey aheyd markii la sheegay in dad Iran u dhashay lagu dilay xeebaha Soomaaliya kadib howl-gal ay sameeyay.

Doonta ayaa mareysay xeebaha maamulka Puntland, sida uu sheegay Colonel Maxamed Cabdi Xaashi, doonta waxaa xabad lagu furay kadib markii ay sameysay amar-diido.

Goobjoog News