U bood dhigaalka

Dalka Japan oo Baadigoob Ugu Jira Jasiirad Ka Luntay!

Sheeko:Dalka

Ciidanka xeebaha dalka Japan ayaa baadigoob xooggan ugu jira raadinta jasiirad ku luntay ag-agaarka xeebaha waqooyi, kadib markii ay qarsoontay iyadoo aaney cidina dareemin, arrintan oo keenaysa isbedel ku yimaadda khariidada dalka Japan.

Jasiiraddan ayaa muhiimad istiraatiijiyadeed u leh dalka Japan, waxey ku dhex qarsoontay biyaha hoostiisa badda Okhotsk, dhanka waqooyi ee gobolka Hokkaido ee xuduudda Japan iyo Ruushka.

Jasiiradda “Esanbe Hanakita Kojima“, waxey ka mid ahayd 158 jasiiradood oo dalka Japan ku yaalla oo aaney cidina daganeyn, xukuumadda Japan ayaa diiwaangelisay 4-sano ka hor si ay calaamad ugu noqoto xuduuda goboleedka badda ee ay dalka Ruushka la leeyihiin.

Qaanuunka dowladiga ah ayaa sheegaya in jasiiradaha ay suuraggal tahay in loo diiwaangeliyo calaamadeynta xuduud goboleedka, waa marka ay muuqato, arrintan oo baqdin gelinaysa dalka Japan, halka biyaha goboleedka uu sii nuqsaamayo.

Dadka deegaanka ugu dhow ee Sarufutsu, kuma aaney baraarugin jasiiraddan iney indhaha ka qarsoontay, taas oo kiiloomitir barkii u jirta deegaankooda.

Cilmibaare Japanese ah oo la yiraahdo Hiroshi Shimizu ayaa khatarta ka dhawaajiyay mar uu booqnayay deegaan ka dhowaa jasiiradda oo safar dhanka badda uu ku bixinayay, isagaana wargeliyay dowladda dalkiisa inuu la’yahay halkii ay ka xigtay Jasiiradda “Esanbe Hanakita Kojima“.

Dowladda ayaana xilli dambe ogaatay inaan jasiiradda la hayn oo ay indhaha ka qarsoontay isla markaana halkii ay ku taallay xitaa aan la hayn.

Jasiiraddan ayaa waxaa baadi goob ugu jira oo raadinaya ciidanka xeebaha badda, si loo xadeeyo halkii ay ku taallay, si ay uga ilaashadaan xuduud goboleedka badda ee dalkooda.

Goobjoog News