U bood dhigaalka

Dalka Marooko ayaa waxaa xabsiga la dhigay 20 qof oo beeraley ah

Sheeko:Caalamka

Maxkamad ku taalo dalka Marooko ayaa waxa ay xukunno kala duwan ay ku riday dad beeraley ah oo tiradoodu ay gaareyso 20 qof.

Dadkan ayaa waxa lagu  riday xukunno u dhaxeeya saddex sano ilaa afar sano ka dib markii ciidamda booliska dalka Marooko iyo dadkaan beeraladeyda ah uu iska horumaad uu ku dhex maray gobolka Wasaad ee bartahama dalka Marooko.

Iska horimaadkaan ayaa waxa uu dhacay ka dib markii ay ciidamda booliska dalkaasi isku dayeen in dadkaani ay kasaaraan dhul beereed ay lahaayeeyn uuna halkaasi ka dhashay isku dhac u dhaxeeya labada dhinac sida uu sheegayo masuul ka tirsan jamciyadda Marooko ee u dooda dhanka xaquuqul insaanka.

Masuulkaan ka tirsan jamaciyadda xuquuqul insaanka  oo lagu magacaabo  Cumar Arbiib ayaa waxa uu sheegay in maxkamadda  ku taalo gobolka Wasaad ee dalka Marooko ay xuno kala duwan ay ku riday dadkaan lagu qiyaasay tiraoodu 20 qof  ka dib markii iyaga iyo booliska ay isku gacan qaadeen.

Mr Cumar oo hadlkiisa sii wata ayaa waxa uu sidoo kale uu ka dhawaajiyey in iska hor-imaadkaan uu dhaxeeyey beeraleyda iyo ciidanka booliska uu dhacay 26 bishii October ee la soo dhaafay dadka beeraleyda ah ayaa qaarkood geeriyooday kuwa kalena shaqadii ayaa laga joojey.

Dadkaan beeraleyda ah ayaa waxa ay u badan yihiin dhalinyaro  7 ka mida waxaa lagu xukumay  4 sano halka 11 kalena lagu xukumay sano waa sida ay sheegayaan ilo wareedyo dhanka maxkamadda ah.

Dadkaan ayaa waxay ka dhiidhiyeen in dhulkooda  ay wa x ku beeran jireen laga wareejiyo iyadoo dowladda ay dooneysan iney ku wareejiso shirkado ganacsi.

Dadka beeraleyda ah ee ku nool dalka marooko ayaa waxa laleeyahy arrintaasi way ka xumaadeen oo  waxay ku dhowyihiin iney dhigaan dibad baxyo ee kaga cabanayaan dowladda oo iyadu bilowday iney kafara maroojiso dhulkooda ay wax ka soo saran jireen.