U bood dhigaalka

Dalka Masar oo Khubaro u soo diraya Soomaaliya si ay u Baaraan Diyaaradda Dhacday

Sheeko:Dalka

Madaxa Diyaaradaha Shacabka ama Rakaabka Madaniga ee dalka Masar Maxamud Zinati ayaa sheegay in dhamaan dadkii saarnaa diyaaradda ay bad qabaan.

Zinati ayaa u sheegay Jariidada Youn 7 ee ka soo baxda dalka Masar in koox Khubaro ah oo Masaari ah tagi doonaan Soomaaliya si loo baaro sababta diyaaradda u dhacday ama si xun ugu dagtay.

Warka waxaa uu intaa ku darayaa in Kooxdan ay sidoo kale Baari doonaan in ay jireen Cillad Farsamo iyo in kale.

Diyaaradda oo ay laheyd shirkad Masaari ah oo gaar loo leeyahay ayaa waxaa ku adkaatey in ay ku degto Garoonka Muqdisho kadib ayey si qasan ah ugu degtay Carbiska.

goobjoog News